Dhaqaala xuma soo wajahday Dugsiyadda sida gaarka ah loo leeyahay

Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa ka soo horjeestay soo-jeedinta Ururka Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ee ah in dawladdu ay u qoondeeyso lacag xarumaha waxbarashada ee gaarka loo leeyahay kaddib markii cudur sidaha Covid-19 uu saameeyay.
Xoghayaha guud ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay ayaa sheegay in dawladdu aysan wax qandaraas ah la lahayn xarumaha waxbarashada ee sida gaarka loo leeyahay.
Mr Sossion ayaa inta ku daray in qalad ay tahay in loo adeegsado lacagta cashuur bixiyayaasha in lagu maalgaliyo ganacsiyada sida gaarka loo leeyahay.
Maalgashadada waa inay raadiyaan lacag kale oo ka timaada hay’adaha maaliyadeed ama meelo kale si ay u ilaashadaan ganacsigooda, ”ayuu yidhi Mr Sossion
Waxaa uu dowladda ka codsaday inay iska indhatirto soo jeedinta maamulayaasha dugsiyada sida gaar loo leeyhay maadama uu sheegay lacagta ay dawladdu uu qondesay waxbarashada oo gaareyso 6 bilyan oo shilinka dalka aysan ku filneyn wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta waaxda ee sabab u noqday cudurka coronavirus.
Mr Sossion wuxuu sheegay in iskuulada badankood ay u baahan yihiin lacago si kor loogu qaado loona ballaariyo kaabayaasha jira.
Wuxuu sheegay in iskuulada ay sidoo kale la’yihiin agab waxbaris iyo waxbarasho.
Dhanka kale Madaxa fulinta ee ururka iskuulada sida gaarka loo leeyahay Peter Ndoro ayaa sheegay in xarumaha ay hada wajahayaan dhaqaale xumi aad daran.
Kumanaan kun oo macallimiinta wax ka baro dugsiyada gaarka loo leeyahay ah ayaa aan la siinin mushaaraadkoodii tan iyo bishii Maarso.
Waqtiga xaadirkana , inta badan xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa ku bixinaya cashirada qaab online ah.
Mr Ndoro ayaa dhanka kale sheegay in maareynta howlaha xarumahan ay ku xiran yihiin lacagta fiiska ee ay walidiinta bixiyaan taas oo uu xusay in musiibadan hadii ay sii jirto ay la micno tahay in dugsiyadan aynan sii shaqeyn doonin.
Bishii maarso ee sannadkaan ayey ahayd markii , Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amray in dhammaan xarumaha waxbarashada la xiro si loo yareeyo faafitaanka cudur sidaha coronavirus .
15 milyan oo ah arday wax ka barata xarumaha kala duwan ee waxbarshada ayaa hadda ku sugan guryahooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here