Dhaqaatiirta Kisumu oo ku hanjabay shaqo joojin

Dhakhaatiirta ismamaulka Kisumu ayaa ku baaqay shaqo-joojin saddex cisho ah iyagoona ku hanjabay inay dhigi doonaan qalabkii ay ku shaqeynayeen cisbitaalada guud ee gobolka Nyanza.
Guddoomiyaha Caafimaadka, gobolka Nyanza ee (KMPDU) Kevin Osuri ayaa ku baaqay shaqo-joojin kadib markii dhaqaatiirtu ay dhigeen qalabkii ay ku hawlgalayeen.
Tan ayaa imaanaysa kadib markii shalay Guddoomiyaha dowlad deegaanka Laikipia Ndiritu Muriithi uu shaqo joojin ku sameeyay 61 dhaqaatiir ah oo ka hawlgalayay ismaamulkaasi kuwaas oo mudooyiinkii la soo dhaafay shaqo joojin ku guda jiray.
Mr Muriithi, oo qabtay shir saxaafadeed ayaa sheegay in dhawaan uu shaacin doono saraakiisha buuxin lahayd boosaska dhaqaatiirta iska dhigtay qalabkii ay ku shaqaynayeen.
Dhaqaatiirta laga istaajiyay shaqada ayaa ku jiray shaqo joojin ilaa 23 cisho ah iyagoona aan loo hirgalin heshiiskii kala dhaxeeyay CBA.
Waxay horey u soo saareen ogeysiis shaqo joojin 14 maalmood ah ka dib inta aysan ku dhaqaaqin shaqo joojinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here