Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda gobolka Shabeellada hoose

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay dhaq dhaqaayo Ciidan saaka ka wadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo dagaalo ay ka dhaceen Saacadihii la soo dhaafay.
Howlgalka ayaa yimid,kadib markii habeen ka hor ay AL-shabaab weerar ku qaadeeen Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Awdheegle ee gobolka shabeelada Hoose,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socdey in ka badan hal saac.
Dad ku sugan degmada Awdheegle ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya in saaka waberigii hore Ciidamada dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan lagu arkayay,iyagoo dhaq dhaqaaq ka wada duleedka degmada Awdhegle,isla markaana mararka qaar ay rasaas ridaya.
Markii uu dgemada Awdheegle ka dhacay dagaalka ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Soomaaliya waxaay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,hayeeshee ay bilaabayaan howlgallo ka dhan ah si ay uga saaraan tuulooyinka kale ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose oo hada intiisa badan shabaabka lagala wareegay.
Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Ciidamada DANAB ee xoogga Soomaaliya ay la wareegeen bartamihii Sanadkii tegay ee 2019,iyagoo ka sameystay saldhigyo waaweyn,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee degmadaasi laga saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here