Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

.Waa Maxay Dhareerka Caruurta?
Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay liqidda cuntada, Waxay caawisaa dheefshiida waxayna nadiifisaa afka waxay ka qayb qaataa korniinka.. Caadiyan caruurtu inta ay ka gaarayaan 4 sano ma koontarooli karaan dhareerka afkooda, waana arrin dabiici ah. Caruurtu way kala dhareer badnaan karaan
.Sababaha dabiiciga ah ee keena dhareerka siyaadada ah:
Soo bixidda ilkaha
Cunugga oo aan si fiican u koontarooli karin wax liqidda
.Miyay jiraan xanuuno keeni kara dhareerka siyaadada ah?
Waxaa jira xanuuno sababi kara dhareerka siyaadada waxaa muhiim u in waalidku sii gaar ugu fiirsado cilladaha la socda dhareerka siyaadada ah. Cilladahaas waxaa ka mid ah:
Bishimaha oo dildilaaca
Afka oo guduuta
Carrabka oo nabro yeesha
Dhuunta oo xanuunta
Caqliga cunugga oo ka hooseeya kuwa isaga le’eg.
Dib u dhac dhinaca korniinka ah

.Astaamaha lagu ogaan karo in dhareerka cunugga uu dabiici yahay.
Hadalka cunugga waa mid dabiici ah
Si dabiici ah ayuu wax u maqli karaa.
Foojignaantiisu waa mid dabiici ah oo wuu ka warqabi karaa waxa ku hareeraysan.
Cunugu ma qabo quman iyo cabur
Ilkihiisu way caafimaad qabaan.
Dhareerka siyaadada ee caruurta waxaa uu garaa daamanka taasina waxay u keeni kartaa cuncun iyo firiirac. Si hadaba looga hortago xasaasiyada waxaad u bahaan tahay dhaybar suuf ah oo nuuga dhareerka ama shukumaan waxaad u dhigaygaa dhabanka cunugga hoostiisa marka uu hurdo. Si tartiib ah uga tirtir dhareerka daamanka adigoo isticmaalaya biyo qandac ah iyo shukumaan, kadibna qallaji (ha xoqin) ka hor inta uusan seexan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here