Dhaxalsugaha Sacuudiga oo beeniyay inuu dilay wariye Jamal Khashoggi

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan ayaa beeniyay inuu bixiyay amarkii looga takhalusay wariyihii caanka ahaa Jamal Khashoggi.
2-dii bishii Tobnaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii Suxufigan lagu dilay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Falkaasi ayaa waxaa ka dhalatay hadal hayn iyo cambaareyn caalami ah oo loo jeediyay boqortooyada .
Wariyahan ayaa maqaalo uu si weyn ugu dhaliilayo hoggaanka ugu sarreeya ee Sacuudi Carabiya waxaa uu ku soo qori jiray wargeyska ka soo baxo Maraykanka ee the Washington Post.
Maxamad Bin Salmaan ayaa maalmo ka hor qirtay inuu mas’uuluiyadda dilka qeyb ku leeyahay maadaama maamul uu ka tirsanyahay la farfiiqay hasa ahaate taasi aynan micnaheedu ahayn inuu isaga dilka gaystay ama amar uu bixiyay lagu dhaqaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here