Dhimashada Brazil ee Covid-19 oo ah ku dhawaad 50,000

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Brazil ayaa sheegtay in kiisaska dhimasho ee la xiriira cudurka Covid-19 ay yihiin ku dhawaad 50,000.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee halkaas laga diiwaangeliyay ayaa ah 978,142 halka dhimashadu ay maraysa 47,748.
Guud ahaan caalamka in ka badan 450,000 ayaa u dhintay cudurka Covid-19.
Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University in ka badan 8.4 milyan oo qof ayuu haleelay caabuqa corona halka ugu yaraan 4 milyan oo kalena ay cudurka ka caafimaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here