Dhimashada caalamka ee COVID19 oo kor u dhaaftay 800 oo kun

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee guud ahaan dunida ugu dhintay cudurka COVID19 Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 804,400 oo qof.
Tirada guud ee xaaladaha fayraska corona ee caalamka ayaa ah in ka badan 23.1 milyan halka dadka caafimaaday ay tiradoodu tahay 14.91 milyan sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socoto waxyaabaha ku soo kordhaya cudurka sii faafaya.
Dhanka kale machadka dabagalka ku sameeya cudurada faafo ee Jarmalka ee RKI ayaa sheegay inuu diiwaangeliyay kiisas cusub oo COVID19 oo gaaraya 782.
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha fayraska ee wadankaas ka dhigtay ugu yaraan 232,864.
Waxaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay cudurka ugu dhintay gudaha Jarmalka labo qof oo dheeraad ah.
Dhimashada ka dhalatay COVID19 ee wadankaas ayaa hadda ah 9,269 qof .
Waxaa gudaha Jarmalka ku caafimaaday ugu yaraan 207,600 oo ah boqolkiiba 89 dadkii uu cudurka soo ritay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here