Dhimashada Corona Virus Kenya oo ku dhaw 300

Tirada dhimashada coronavirus ee Kenya ayaa ku dhow 300, ka dib markii 14 qof oo dheeraad ah ay dalka maanta ugu dhinteen Fyruskan.
Dadka uu noloshoodu galaaftay caabuqan waxaa ay dalka maraysa 299.
Halka 75 qof oo hor leh ayaa xanuunkan ka caafimaaday taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 7,908
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay maanta in 24-kii saac ee la soo dhaafay Kenya laga xaqiijiyay 606 xaaladood oo dheeraad ah.
Tirada guud ee dadka uu soo ritay COVID19 Kenya waxaa ay gaartay 18,581.
Ismaamulada laga xaqiijiyay kiisaska maanta waxaa ka mid ah Nairobi 448, Kiambu 54, Kajiado 25, Machakos 16, Uasin Gishu 11, Nakuru 11, Kericho 9, Busia 7, Mombasa 7, Garissa 6, Bomet 3, Nyeri 2, Narok 2, Nandi 2, Embu 1, Lamu 1, Muranga 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here