Dhimashada CoronaVirus aduunka dhan oo gaartay 600 kun

Guud ahaan dunida dhimashada COVID-19 waxaa ay gaartay 601,213, sida ay muujinaysaa xogtii ugu dambeesay oo ay aruurisay jaamacadda Johns Hopkins oo kor kala socota xaalada caabuqaan.
Kiisaska guud ee caalamka waxaa ay marayaan 14.2 iyadoona ay ka soo kabsadeen 7.9 million oo qof.
Maraykanka dhimashada xanuunkan kora ayay u kacday waxaa ayna gaartay 140,000 .
Wadar ahaan dadka uu ku dhacay cudurka Corona ee Maraykanka waxaa ay maraysa 3.7 million, waxaana ka caafimaaday 1.1 million
Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in 24-ki saac ee la soo dhaafay aduunka dhan laga diiwangaliyay tira aad u saraysa taas oo gaaraysa 259,848.
Wadamada caalamka ay sii kordhayaan kiisaskooda cudurkan waxaa ka mid ah Maraykanka, Brazil, India iyo South Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here