Dhimashada Covid-19 ee Spain oo kor u dhaaftay 15,000

Tirada dadka cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha wadanka Spain ayaa gaartay 15,238.
Waxaa sidatan shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.
Kiisaska la soo tabinaya ayaa maanta hoos u dhacay kaddib laba maalmood oo ay sarreyeen.
24-tii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa Spain laga diiwaangeliyay 683 dhimasho dheeraad ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurkan la xiriira ee halkaas laga xaqiijiyay ayaa hadda ah 152,446 waxayna shalay ahaayeen 146,690 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here