Dhimashada COVID19 ee dalka Maraykanka oo ku dhaw 200 oo kun

Tirada dhimashada ee COVID-19 ee dalka Mareykanka ayaa ku dhow 200,000 iyadoona madaxweynaha wadankaas Donald Trump uu ku guda jiro ololihiisa doorashada isagoona doonayo inuu xilka qabto markii labaad.
Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Mareykanka waxay ay sheegtay ugu yaraan 199,818 dhimasho ah, halka tirada kiisaska ay gaareen in ka badan 6.8 milyan.
Maraykanka ayaa ah wadanka ugu dhimashada badan cudurkan aduunka oo dhan ,sida laga soo xigtay Xarunta Xakamaynta cudurada faafa ee Mareykanka (CDC).
Heerka dhimashada caabuqan ayaa kor u kacday shan boqolkiiba usbuucii la soo dhaafay.
Machadka caafimaadka ee Jaamacadda Washington ayaa saadaaliyay in dhimashada ay gaari karto 378,000 dhamaadka sanadkan 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here