Dhimashada COVID19 ee Iiraan oo kor u dhaaftay 21,000

Kiisaska dhimasho ee ka dhashay cudurka COVID19 ee gudaha wadanka Iiraan waxaa ku kordhay 119 .
Waxay hadda tirada guud ee dhimashada tahay 21,020 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka
Kiisaska guud ee fayraska corona ee wadankaas ayaa ah 365,606.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Iiraan Sima Sadat Lari ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangeliyeen xaalado cusub oo corona oo dhan 2,243.
Waxay cid kasta ugu baaqday inaynan sameyn waxyaabaha laga maarmi karo si loo xakameeyo cudurka wadankaas ku sii faafaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here