Dhimashada COVID19 ee India oo dhaaftay 20,000

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in kiisaska dhimasho ee ka dhashay cudurka COVID19 ee wadankaas ay ka sare mareen 20,000.
Tani ayaa timid kaddib markii maanta la xaqiijiyay 467 xaaladood oo hor leh oo dhimasho ah.
Waxay dhanka kale tani ku soo aadaysa iyadoo dowladda India ay qorsheynayso inay qafiifiso xayiraadaha dhanka isku socodka.
Dhimashada guud ayaa hadda ah 20,160 halka sido kale la diiwaan geliyay xaalado cusub oo coronavirus oo dhan 22,252.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here