Dhimashada cudurka Coronavirus ee dalka Mareykanka oo sii korortay

Dalka Mareykanka ayaa waxey dhimashada cudurka Coronavirus gaartay in ka badan 1,000 qof halka tirada dadka uu soo ritay ay kor u dhaaftay 69,000 oo qof.
Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa meel mariyay 2 triliyoo n oo ah doolarka Mareykanka taas oo lagu caawin doona dadka ka shaqeeya gurmadka, ganacsiyadda yaryar iyo nidaamka daryeelka caafimaad ee dalkaasi.
Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Donald Trump ayaa lagu eedeeyay inay ka caga jiidaysa ka fal celinta cudurka Coronavirus.
Balse maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay dawladiisa la daala dhaceesay inay xakameeyso cudurkan.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray tallaabooyin uu ka mid yahay amar aan Khasab ahayn oo ah ay inaynan kulmi Karin dad kor u dhaafaya 10 qof .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here