Dhimashada cudurka Coronavirus ee dalka Taliyaaniga oo korortay

Medical workers in overalls stretch a patient under intensive care into the newly built Columbus Covid 2 temporary hospital to fight the new coronavirus infection, on March 16, 2020 at the Gemelli hospital in Rome. (Photo by ANDREAS SOLARO / AFP) (Photo by ANDREAS SOLARO/AFP via Getty Images)

Waxaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay sare u kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay cudurka Coronavirus ee dalka Taliyaaniga, taas oo gaartay in ka badan 3,400.
Guud ahaan caalamka tirada dhimashada ayaa u dhaw 10,000.
Dadka uu soo ritay caabuqan dalkaasi Taliyaaniga ayaa gaaraya 41,000 oo qof, halka dalalka Jarmalka,Iiraan iyo Spain ay tiradaasi hadda tahay in ka badan 15,000 mid kasta.
Maraykanka,waxaa uu caabuqa sababa cudurka COVID-19 ku dhacay dad dhan 13,000 halka dhimashadu ay gaartay 200.
Gobolka Carlifonia ee dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa dadweynaha ah.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaadday in dad gaaraya 209,000 oo qof uu saameeyay cudurka Coronavirus halka uu nolashoodu galaftay in ka badan 8,700.
Sido kale, waxaa la sheegay in ugu yaraan 86,000 oo qof ay kasoo kabteen cudurkan.
Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron ayaa xusay in dalkiisu uu ku jiro xaaladihii ugu horreeyay ee kiisaska cudurkani isla markana ay la tacaalayaan xaladaha iminka jira.
Dalka Taiwan waxaa la sheegay in qofkii labaad uu u dhintay COVID-19, halka tirada dadka uu soo ritay ay gaartay 135.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Indonesia ayaa sheegtay in wadankaasi lagu arkay 60 kiis oo cusub iyo 32 dhimasho ah tani oo tirada guud ee dadka uu soo ritay ka dhigeysa 369.
Gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ayaa waxaa la xiray dhammaan dukaammada iyo xafiisyadd=a marka laga reebo kuwa bixiya adeegyadda lagama maarmaanka ah si loo yareeyo faafida cudurka faraha ba’aan ku haya caalamka ee Coronavirus.
Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucday in salaadaha lagu tukado masaajidada, waxaana dalkaasi ila iyo hadda uu cudurkan saameeyay 274 qof mana jiro wax u dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here