Dhimashada dadkii ku dhintay dibadbaxyada Ciraaq oo sare u kacday

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay wadanka Ciraaq ka dib markii ciidamada booliska lagu eedeeyay inay awood xad dhaaf adeegsadeen.
magaalooyiin ka mid ah dalka Ciraaq ayaa bandow lagu soo rogay si loo xakameeyo dibadbaxyaasha.
Jimcadii shalay ayaa waxaa wadanka Ciraaq ruxay dibadbaxyo xoogan iyadoona usbuuci Seddaxaad uu dalkaas ka dhacayo dibadbaxyo inkasto la hakiyay maalmihii la soo dhaafay.
Dibadbaxyaasha ayaa dalbanaya in dowladda Ciraaq ay wax ka qabato heerka shaqa la’aanta oo aad u sarreeya , musuqmaasuqa , bixinta adeegyada dadweynaha loo fidiyo iyo isqabqabsi u dhexeya madaxda siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here