Dhimashada dadkii u dhintay cudurka CoronaVirus oo sare u kacday

Dalka shiinaha waxaa ka taagan musiibo daran ka dib markii uu ka dilaacay cudur halis ah.
Dhimashada ayaa maraysa hadda dadkii u dhintay caabuqaas 259 qof halka ay la ildaran yihiin cudurkaas 11,791 sida ay saaka shaacisay dowladda shiinaha.
Cudurkan ayaa si xun u saameeyay gobolka Hubei ee Shiinaha.
Cudurkan oo loo yaqaanpo CoronaVirus ayaa waxaa laga baarayaa dad dhan 102,000 oo qof oo looga shakisan yahay astaamaha caabuqas.
Dalal badan oo ka mid ah caalamka ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsi qaba inu cudurkaas uu saameyn ku yeesho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here