Dhimashada goob macdanta laga qodo oo ku taala Myanmar oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday dhimashada ka dhalatay goob macdanta laga soo saaro oo ku taalla waqooyiga dalka Myanmar oo soo duntay.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 162 qof ayaa la xaqiijiyay inay halkaas ku dhinteen.
Shaqaalaha waaxyaha gurmadka ayaa sheegay inay heleen meydadka 162 qof in kastoo weli howlaha samatabixinta ay socdaan.
Waxaa dhacdadan loo aaneyay dhul go’o halkaas saameeyay kaddib roobab xoggan oo da’ay.
Khasaaraha nafeed ayaa yimid kaddib markii qashin laga uruuriyay goobta macdanta laga qodo oo hal meel la isugu geeyay uu haro ku daatay taasoo horseeday biyo iyo dhiiqo liqay qaar ka mid ah shaqaalaha goobtaas.
In kastoo dhul go’a iyo shilalka kale ay ku badan yihiin Myanmar, dhacdadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu darneyd in ka badan shan sano.
Sannadkii 2015-kii ayay ahayd markii ilaa 100 qof ay ku dhinteen dhacdo tan la mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here