Dhimashada Iiraan ee Coronavrius oo korortay

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in dhimashada la xiriirta cudurka Covi-19 ay sii korortay.
Waxaa ku darsantay 89 tani oo tirada dhimashada ee ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 4,958.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ,Kianush Jahanpur ayaa sheegay in kiisaskan cusub ay diiwaangeliyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Sido kale kiisaska coronavirus ee halkaas laga xaqiijiyay ayaa hadda ah 79,494.
3,563 qof oo ka mid ah dadka uu cudurka haleelay ayay xaaladooda caafimaad liidataa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here