Dhimashada ka dhalatay caabuqa Shiinaha oo maraysa 170 qof.

Waxaa maalinba maalinka ka sii dambeeya sare u sii kacaysa tirada dhimasho ee ka dhalatay caabuqa saameeyay dalka Shiinaha ee coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inuu galaaftay nolosha 170 qof.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo kiisaska firuusigan la xiriira ee la hubiyay ay gaarayaan 7,711.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya tirada wadamada ee shaaciyay inay shacabkooda ka soo daadgureynayaan magaalada Wuhan ee bartmaha wadankaas oo uu cudur sidaha ka soo billowday.
1,032 oo ka mid ah kiisaska hor leh ee caabuqa waxaa laga soo sheegay gobolka Hubei.
Wararka ayaa intaas ku daraya in firuusiga uu hadda ku fiday dhammaan 31-da gobol ee Shiinaha.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shalay wadamada caalamka ugu baaqday inay tallaabooyin degdeg ah qaadaan.
Wadamada kale ee caabuqa Coronavirus laga soo tabiyay waxaa ka mid ah Finland iyo isu tagga imaaraadka carabta ee UAE.
WHO ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa inay yeelato kulan degdeg ah si loo go’aamiyo in dhibaatada jirta lagu dhawaaqayo inay tahay musiibo caalami iyo in kale.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hay’adda ay sheegtay in Shiinaha ay xaalad degdeg ah ka jirto balse aan weli la gaarin heer la shaacin karo inay tahay musiibo caalami ah.
Wadamada New Zealand, Singapore iyo Indonesia ayaa sheegaya inay wadaan dadaalo ay muwaadiniintooda kaga soo saarayaan magaalada Wuhan.
In ka badan 200 oo qof oo u dhashay dalka Japan kuwaasoo laga soo qaaday Shiinaha ayaa laga helay caabuqa coronavirus sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka.
Sido kale ku dhawaad 200 oo ah muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugnaa magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa la soo daadgureeyay in kastoo saraakiisha ay sheegayaan inaan lagu arag astaamaha caabuqan lagu garto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here