Dhimashada ka dhalatay dhismihii ku dumay xaafadda Tassia ee Nairobi oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay guri ka kooban 6 dabaq oo maalinkii jimcada ku dumay xaafadda Taasia ee deegaanka bariga Embakasi ee magaaladatani Nairobi
Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada 5 qof kaddib markii uu nafwaysay gabadh 15 sano jir ahayd oo uu horay dhaawac u soo gaaray.
18 qof oo la dhigay isbitaalka Mama Lucy Hospital, 16 ka mid ah ayaa la daaweeyay oo halkaasi laga saaray halka 2 kalena weli xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay in 26 qof weli la la’yahay.
Isku duwaha ammaanka ee Nairobi ,Kang’ethe Thuku ayaa sheegay in ciidamada milatariga dalka ay la wareegeen howlaha samata bixinta maadaama la rumeysan yahay inay haystaan qalab casriyeysan sido kalena khibrad durugsan ay u leeyihiin arrimaha badbaadinta.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in daartaasi laga dhisay meel biyo mareen ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here