Dhimashada ka dhalatay duufaanta Tokyo oo sare u sii kacday

Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay duufaan saameysay magaalada Tokyo ee dalka Japan taasi oo ilaa iyo hadda gaartay 23 qof.
Dowladda wadankaasi ayaa maanta oo Axad ah lagu soo warramayaa inay tobanaan kun oo saraakiil ah gaysay magaaladaasi si ay qeyb uga noqdaan howlaha samata bixinta.
Waxaa sido kale meesha laga saaray xayiraado dhanka duulimaadyada oo saarnaa garoomada diyaraadaha ee Narita iyo Haneda.
Warbaahinta NHK ayaa laga soo digtay in ilaa 800 oo duulimaadyo ah la hakiyay.
Ilaa 27,000 oo ka mid ah ciidamada difaaca, booliska , ciidamada ilaalada xeebaha iyo iyo saraakiisha dab damiska ayaa la howlgeliyay.
Waxaa sido kale weli la la’yahay 16 dheeraad ah iyadoo dhibaatadan lagu tilmaamay middii ugu weynayd ee magaaladaasi saameysay tobaneeyo sano.
Ilaa 500 oo kun oo qof ayay koronto la’aan soo foodsaartay sida ay baahisay warbaahinta NHK.
Ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa durbaba shir guddoomiyay kulan degdeg ah oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta wasaarado dhowr ah.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska ay eheladooda musiibadaasi ku dhinteen isagoo xusay in maamulkiisa uu ku dadaalayo sidii loo badbaadin lahaa nolosha shacabka iyo hantidooda.
Wasaaradda qaabilsan maareynta musiibooyinka ee Japan ayuu Shinzo Abe ku amray in dadaalkeeda laba jibaarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here