Dhimashada ka dhalatay qaraxii Beirut oo sii korortay

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee qaraxii bishan ka dhacay caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut .
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 190 qof.
Dhaawaca ayaa ah in ka badan 6,500 qof.
Dowladda Lubnaan ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in ilaa iyo hadda saddex qof aan meelna lagu sheegi Karin.
Qaraxan oo dhacay 4-tii bishan ayaa hooy la’aan dhigay 300,000 oo qof waxaana khasaaraha tooska ee Lubnaan ka soo gaaray lagu sheegay 15 bilyan oo doolar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here