Dhimashada la xiriirta Coronavirus ee Talyaaniga oo korortay

Dalka Talyaaniga ayaa shalay laga diiwaan geliyay kiisas dhimasho oo dheeraad ah kuwaasoo uu sababbay cudurka COVID-19.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegtay in 475 qof oo dheeraad ah ay dhinteen.
Talyaaniga ayaa ah wadanka labaad ee uu sida weyn u saameeyay firuusiga Coronavirus oo sannadkii 2019-kii lagu arkay Shiinaha.
Dhanka kale Ingiriiska ayaa shaaciyay inuu albaabada isugu dhufanayo xarumaha waxbarashada.
Tani ayaa timid kaddib markii shacabka ay Dowladda cadaadis ku saareen inay tallaabooyin degdeg ah qaaddo.
Sido kale dowladaha Maraykanka iyo Canada ayaa xuduudda xirtay.
Ku dhawaad 220,000 oo kiis ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay wadamada kala duwan ee caalamka.
Ugu yaraan 84,000 qof ayaa lagu soo warramaya inay ka bogsadeen cudurka COVID-19 ee galaaftay nolosha in ka badan 8,800 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here