Dhimashada maalinlaha ah ee fayraaska koroona dalka Mexico oo korortay

Tirada dhimashada ee maalin laha ee fayraaska koroona dalka Mexico ayaa kor u kacday iyada oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dalkaasi ugu geeriyoodeen 1,092 qof.
Tiradan ayaa laba jibaar ka sarreeysaa midii maalin ka hor laga diiwaan geliyay wadankaas.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo saraakiisha dalka Mexico ay saadaalinayeen in kiisaska dhimashadu ay hoos u dhacayaan.
Wadankan ayaa Isniintii billaabay inuu si tartiib ah u furo dhaqaalaha dalka sida ganacsiyada iyo warshadaha.
Waxaa dalkan uu caabuqa soo ritay dad dhan 101,000 halka dhimashadu ay sii mareeyso 11,000.
Dhanka kale wasiirka dalxiiska Spain Reyes Maroto ayaa sheegay in dhammaan xayiraadaha saaran xuduudaha ay la wadaagaan Faransiiska iyo Boortaqiiska la qaadi doono laga bilaabo 22-ka Juun.
Hong Kong ayaa laga diiwaan geliyay 5 kiis oo cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay waxayna kiisaska guud gaareen 1,100.
Ruushka ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 8,831 waxayna tirada guud hadda gaartay 441,108.
Guddiga ka hor taga COVID-19 ee dalka Ruushka ayaa sheegay in ay sido kale ay jiraan 169 dhimasho cusub waxayna wadarta guud hadda tahay 5,384.
Shiinaha ayaa laga diiwaan geliyay hal kiis oo cusub oo ah caabuqa koroona iyo afar qof oo aan muujinaynin astaamaha cudurka sida uu sheegay guddiga caafimaadka.
Guddigu wuxuu sheegay in dhamaan shanta kiis ay yihiin dad dibadda ka soo safray.
Dalka Shiinaha ayaa tirada ku darin dadka laga helay cudurka balse aan muujineynin astaamaha fayraaska.
Dalkan ayaa diiwaan geliyay kiisas dhan 83,022 iyo dhimashada 4,634 qof.
Guud ahaan caalamka waxaa la diiwaan geliyay kiisas ka badan 6.5 milyan halka ay u dhinteen 388,000 qof.
Waxaa cudurka ka soo kabsatay in ka badan 3.1 milyan oo qof.
Qaaradda Afrika kiisasku waxay gaareen 165,000 halka dhimashadu ay tahay 4,600.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here