Dhimashada maalinlaha ee la xiriirta covid-19 ee Spain oo 100 hoos uga dhacday

Wasaaradda caafimaadka ee wadanka Spain ayaa maanta dhimashada la xiriirta cudurka covid-19 ee la diiwaangeliyay ku sheegtay 87.
Waa markii ugu horreysay muddo laba bilood ah oo ay tirada ka yaraatay 100 .
Dhimashada guud ee dalkaas laga xaqiijiyay ayaa gaartay 27,650 halka xaaladaha caabuqa oo horay ahaa 230,698 ay hadda yihiin 231,350 .
Wadanka Indonesia waxaa laga soo tabinaya 489 oo ah kiisaska cusub ee coronavirus iyo dhimasho hor leh oo dhan 59 .
Tirada guud ee kiisaska fayraska ee Indonesia ayaa hadda ah 17,514 halka dhimashada ay marayso 1,148.
Gudaha Indonesia waxaa cudurka laga baaray qiyaastii 140,473 oo qof.
Dowladda Malaysia waxay xaqiijisay 22 ah kiisaska cusub ee coronavirus in kastoo dhimasho cusub aan la soo tabin.
Kiisaska guud ee wadankaas ayaa gaaray 6,894 balse dhimashadu waxay weli tahay 113 qof.
Dalka Shiinaha waxaa laga xaqiijiyay 5 kiis oo cusub oo coronavirus ah waxayna hadda guud ahaan xaaladaha lagu arkay wadankaas yihiin 82,947 iyo dhimasho gaaraysa 4,634.
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay xaqiijisay xaalado cusub oo dhan 9,709 halka maalin ka hor tiradan ay ahayd 9,200.
Guddiga loo xilsaaray arrimaha Coronavirus ee Ruushka ayaa tirada guud ku sheegay 281,752.
24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa gudaha dalkaas cudurka covid-19 ugu dhintay 94 tani oo tirada dhimashada ka dhigaysa 2,631.
Singapore waxay diiwaangelisay kiisas cusub oo dhan 682 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka waxayna tirada guud ee kiisaska caabuqa ee wadankaas hadda tahay 28,038 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here