Dhimashada Maraykanka ee COVID-19 oo kor u dhaaftay 250,000

Jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto kiisaska ku soo kordhaya caabuqa corona ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 250,029 qof ay gudaha Maraykanka ugu dhinteen cudurka COVID-19.
Waxaa Maraykanka ku soo xiga Brazil oo ay cudurka ugu dhinteen 166,699 qof , India (130,993) iyo Mexico oo ah 99,026.
Madaxweynaha dhawaan laga guulaystay Donald Trump ayaa isaga iyo maamulkiisaba lagu dhaliilay inaysan sida ku habboon ula tacaalin caabuqa.
Joe Biden oo la doortay bishan gudaheeda ayaa ballanqaaday inuu si weyn ula dagaalami doono cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here