Dhimashada Spain ee Covid-19 oo korortay

Dowladda Spain ayaa maanta oo Axad ah shaacisay inay jiraan kiisas cusub oo dhimasho kuwaasoo ka dhashay cudurka Covid-19 ee Coronavirus.
Waxaa dhimashada laga diiwaangeliyay gudaha Spain ku korotay 619 halka shalay ay ahyad 510.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa laga soo xigtay in ilaa iyo hadda 16,972 qof ay cudurka u dhinteen.
Kiisaska la xaqiijiyay ee Spain oo horay ahaa 161,852 ayaa hadda maraya 166,019 .
Sido kale waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee gudaha Maraykanka ugu dhintay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa halkaas laga diiwaangeliyay dhimasho gaartay 20,608 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo xaaladda dunida ka taagan si dhow ula socoto.
Iran’s , dhimashada waxaa ku darsantay 117 waxayna hadda tahay 4,474 sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka ,Kianush Jahanpur.
Kiisaska halkaas laga xaqiijiyay waxay gaarayaan 71,686
Malaysia waxaa laga soo tabiyay 153 oo ah kiisas cusub, iyo saddex kiis oo hor leh oo dhimasho ah.
Tirada guud ee kiisaka gudaha Malaysia laga diiwaangeliyay ayaa hadda ah 4,683. Halka dhimashada ay gaartay 76.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas waxay sheegaysa in boqolkiiba 45 dadka cudurka laga helay ay ka bogsadeen.

Guud ahaan dunida waxaa cudurka u dhintay in ka badan 109,000 oo qof
In ka badan 1.7 milyan oo kiisaska la xiriira cudurkan ayaa la xaqiijiyay.
Dhanka kale hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digaysa in iyadoo aan laga fiirsan meesha laga saaro xayiraado dhanka isku socodka ah oo ay dowlado badan shacabkooda ku soo rogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here