Dhimashada Spain ee ka dhalatay cudurka Covid-19 oo dhaaftay 19,000

24-kii saacadood ee la soo dhaafay Dowladda Spain ayaa diiwaangelisay dhimashada 551 qof oo uu noloshooda galaaftay cudurka dunida ka jiro ee Coronavirus.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 19,130 qof ay xanuunkan halkaa ugu dhinteen.
Dhimashada Spain laga diiwaangeliyay maalin ka hor ayaa ahayd 523 .
Kiisaska Coronavirus ee ay dowladd Spain xaqiijisay oo shalay ahaa 177,633 ayaa hadda ah 182,816.
Dhanka kale Indonesia ayaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 380 waxayna tani tirada guud ee dalkaas laga diiwaangeliyay ka digtay 5,516 sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka oo lagu magacaabo Achmad Yurianto.
Dhimashada cusub ee Indonesia ayaa ah 27 waxaana ilaa iyo hadda cudurka wadankaas ugu dhintay 496 qof halka 548 kalena ay ka bogsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here