Dhimashada Yurub ee Covid-19 oo 100 kun dhaaftay

Tirada kiisaska dhimasho ee la xiriira cudurka Covid-19 ee laga diiwaangeliyay wadamada qaaradda Yurub ayaa kor u dhaaftay 100,000.
Waxaa ugu daran dalalka Talyaaniga iyo Spain oo mid kasta ay ku dhinyteen in ka badan 20,000 qof waxaana soo raaca Faransiiska.
Dhimashada Spain waxaa tan iyo xalay ku kordhay 410 kiis halka shalay la diiwaangeliyay 565.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tani ay tirada dadka ugu dhintay cudurka gudaha wadankaas ay ka dhigayso 20,453 qof.
Kiisaska la xaqiijiyay ee Coronavirus gudaha Spain waxay maanta gaareen 195,944 halka shalay oo Sabti ay ahayeen 191,726.
Kiisaska Coronavirus ee Jarmalka waxaa ku kordhay 2,458 waxayna hadda yihiin 139,897 sida laga soo xigtay machadka daraaseeya cudurrada faafa ee (RKI)
Dhimashada gudaha jarmalka waxay sare u sii kacday 184 oo waxay hadda tahay 4,294.
Turkiga waxaa laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo ah Coronavirus kuwaasoo gaaraya 82,329.
Dowladda Iiraan waxay dib u furtay qaar ka mid ah ganacsiyada magaalada Tehraan ee lagu tilmaamay kuwo aan horseedin halis sare.
Xarumahan waxaa ka mid ah dukaamada , warshadaha iyo bakhaarrada..
Wadamada Algeria, Morocco, Croatia iyo Spain waxay sii kordhiyeen xayiraado horay loogu dhawaaqay.
Japan waxaa laga xaqiijiyay kiisas cusub oo dhan 568 waxayna hadda gaareen 10,361 halka dhimashadu ay tahay 174 .
Dowladda Uzbekistan ayaa dhankeeda sii xoojisay kala fogaanshaha dadweynaha.
Guud ahaan caalamka , cudurka Covid-19 ayaa haleelay in ka badan 2.3 milyan oo qof waxaana u dhintay ugu yaraan 159,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here