Dhisme ka kooban 4 dabaq oo ku dumay Kericho

Ismaamulka Kericho ayaa waxaa xalay ku dumay dhisme ka kooban afar dabaq.
Arrintan ayaa dhacday abaare 8-dii fiidnimo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadkii degganaa gurigaas ay badankoodu badbaadeen balse uu wiil 7 sano jir ah weli ku hoos jiro burburkaas.
Lama soo tabin cid dhacdadaas ku dhimatay ama uu dhaawac ka soo gaaray
Saraakiisha hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaana goobta gaaray si ay gurmad halkaas uga fidiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here