Dhisme ku dumay ismaamulka Kisumu

Dhisme saddex dabaq ka kooban oo aan la dhameystirin ayaa ku dumay xaafadda Mamboleo ee dowlad deegaanka Kisumu 10-kii habeenimadii ee xalay.
Dhismahani dumay ayaa waxaa ku xayirmay ugu yaraan afar qof oo ku sugnaa dabaqa koowaad .
Dadka dariska la ahaa dhismahan burburay oo ka jawaab celiyay dhacdadan ayaa sheegay inay caawiyeen dadkii ku hoos jiray sido kalena laga soo saaray.
Saddax qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Dadka laga soo badbaadiyay burburka dhismaha waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud iyagoona loo qaaday isbitaalka.
Wali si rasmi ah looma ogaan waxa sababay inuu dabaqa soo dumo ,balse waxaa socdaa dadaalo lagu ogaanayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here