Dhismo ku yaala Japaan oo wado ay dhex marto

Dhismaha Gate Tower waa mid ka mid ah dhismooyin badan oo xafiisyo dhaadheer leh oo ka kooban meegaarka sare ee Osaka, laakiin waxaa jira wax ku saabsan taas oo ka dhigaysa mid gaar ka ah dhismooyinka adduunka – waxaa uu leeyahay wado weyn oo si toos ah u dhex marta.
Sawirada qaab dhismeedka ayaa ku wareegayay baraha bulshada muddo ka badan labaatan sano hadda, waana ay fududahay in la arko sababta.
Dhismaha oo ka kooban 16 dabaq ayaa leh wado dhex marta taas oo ka duwan kuwa kale waxaana dadka ka shaqeeya dhismahan ‘Gate Tower Building’ saameeya, taraafiga.
Dhismahan ayaa dadka ku jira aan maqlaynin shaqadha baabuurta iyo wax kasta oo la mid ah.
Dhismaha Gate Tower ayaa la dhisay ka dib muran dhuleed oo ay isku haysteen dawladda Japan iyo dad ganacsato ah.
Sannadkii 1983-dii ayaa la dhisay dhismaha balse muddo ka dib ayaa dib loo qaabeyay si ay u marto wadadaasi.
Milkiilayaasha dhulku way diideen inay ka guuraan dhulkooda, sidaa darteed shan sanadood ka dib, si ay uga dheeraadaan daahitaanka mashruuca Hanshin Expressway, mas’uuliyiinta waxay soo jeediyeen tanaasul xiiso leh.
Shirkadda ayaa ku heshiisay in dhulka iyo dhismaha ay lahaanayaan , laakiin ay aqbali doonaan in wado weyn uu dhex maro.
Balse wadada ayaa la sheegay inay ka kireysteen dhismaha isla markanaa ay bixiyaan lacag bil kasta.
Wadada dhex marta dhisamahan ayaa la sheegay inay tahay mida kaliya ee u dhisan qabkan dunida waana wax lala yaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here