Dhul go’ saameeyay Shiinaha oo ay ku dhinteen 29 qof

Waxaa sare u sii kacday tirada dadkii ku dhintay dhul go’ laga soo tabiyay tuulo ku taalla koonfurta galbeed ee dalka Shiinaha taasi oo ilaa iyo hadda gaartay 29 qof.
Warbaahinta dowladda ee wadankaasi ayaa ku warramaysa in 22 qof oo kale weli la la’yahay.
Wakaaladda wararka ee Shiinaha ee Xinhua ayaa laga soo xigtay in 40 qof laga soo samata bixiyay goobta ay musiibadaasi ka dhacday oo ah degmada Shuicheng ee gobolka Guizhou .
Dhul go’ ayaa degmadaasi saameeyay maalinkii talaadada waxaana aasmay 21 guriyo ah sida uu baahiyay telefishinka dowladda Shiinaha ee CCTV.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur iyo hooyadood.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in xarun badbaadin oo la tacaasha xaaladaha caafimaadka ee degdega ah laga dhex furay dugsi halkaasi ku yaalla.
Xukuumadda Beijing ayaa lacag dhan 30 milyan oo ah lacagta dalkaasi ee Yuan una dhiganta 4.35 milyan oo doolar u qoondeysay howlaha samatabixinta.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen laba dhacdo oo dhul go’a ah oo saameeyay isla gobolka Guizhou.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here