Dhul go’o saameeyay xerada militariga Vietnam

Waxaa lagu soo warramayaa in aroornimadii hore ee maanta uu dhul go’o ku dhuftay gobolka ku yaalla bartamaha dalka Vietnam ee Quang Tri.
Arrintan ayaa si gaar ah u saameysay xerada militariga waxaana ilaa iyo hadda la la’yahay ugu yaraan 22 sarkaal sida laga soo xigtay dowladda wadankaas.
Dhibaatadan ayaa loo aaneeyay daadad ka dhashay roobab culus oo Vietnam ka da’yay tan iyo billowgii bishan.
Ilaa iyo hadda waxaa bartamaha wadankaas laga xaqiijiyay dhimashada in ka badan 64 qof.
Waaxda saadaasha hawada ee dalkaas ayaa sheegtay in la filayo in roobabka ay sii da’aan maalmaha nagu soo aaddan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii 13 qof oo u badan ciidamo militari ay ku dhinteen dhul go’o laga soo tabiyay gobolka Quang Tri dariska la ah ee Thua Thien Hue.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here