Dibad baxyo cusub oo ka billawday Kashmir iyo sagaal qof oo ay boolisku ku dileen halkaasi

Waxaa maalinkii labaad Kashmir dhanka ay maamusho India ka socdaa dibad baxyo looga soo hor jeeda dawladda ka dib markii ciidamadda India ay dileen sagaal ka mid ah mucaaradka halkaasi ee gobolka lagu muransan yahay.
Fallaagada mucaardka ayaa laga dilay saddex ka mid ah taliyayaashooda dagaal bilawday Axadii.
Waxaa lagu dilay deegaanka Shopian oo 70 kiilomiitar dhanka Koonfur kaga beegan caasimadda Srinagar.
Sido kale maanta ayay ciidamadda dawladda dalkaas dileen saddex xubnood oo kale oo ka tirsan fallagada aaga gobolka Pinjora.
Madaxa booliska ee dalka India Dilbagh Singh ayaa sheegay in labadii isbuuc ee la soo dhaafay ay khaarijiyeen 22 ka mid ah fallaagada.
Booliska waxaa intaa ku dareen in 73 ka mid ah fallaagada mucaaradka ay sannadkan ku dileen gobolka ay ku badan yihiin muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here