Dibadbax ka dhacay Taiwan

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jasiiradda Taiwan iyagoo dalbanaya in dowladda Shiinaha ay siidayso 12 qof oo lagu xiray Hong Kong.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay ololaha lagu taageeraya dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyad doonka ee Hong Kong.
12-ka qof ayaa la xiray 23-kii bishii sideedaad ee sannadkan.
Waxaa lagu eedeyay inay gudaha u galeen Shiinaha iyagoo soo raacay dooni u wajahnayd Taiwan.
Sidoo kale waxaa loo haystaa inay ku lug lahadeen dambiyo ay ka mid yihiin sameynta waxyaabaha qarxa , dibadbaxyo iyo qaran dumin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here