Dibadbax looga soo horjeedo heshiiska imaaraadka iyo Israa’iil oo ka dhacay Falastiin

Boqolaal ka mid ah shacabka dalka Falastiin ee ku nool daanta galbeed iyo marinka Qaza ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan heshiiska dowladaha Imaraadka iyo Baxrayn ay la yeesheen Israa’iil.
Labadan dal iyo Israa’iil ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan xiriirka ka dhexeya.
Isafgaradka shalay la saxiixday waxaa hor kacayay maraykanka wuxuuna ka dhacay aqalka cad ee looga arrimiyo xukuumadda Washington.
Falastiiniyiinta dibadbaxa sameeyay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “Treason”, oo ay micnaheedu tahay qaran dumis .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here