Dibadbax looga soo horjeedo lunsashada lacagaha COVID19 oo ka dhacay Nairobi

Qaar ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga ayaa maanta dibadbax ka sameeyay magaalada Nairobi.
Waxay muujinayeen sida ay kaga xun yihiin eedeymo loo jeediyay wasaaradda caafimaadka oo ah in la lunsaday dhaqaale loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19.
Ciidamada booliska ayaa kala eryay dibadbaxayaasha oo sitay boorar lagu qoray #ArrestCovid19Thieves oo loola jeedo hala xiro dadka xaday lacagaha COVID19.
Sido kale waxay dalbadeen in dowladda lagula xisaabtamo sida ay u isticmaashay kheyraadka loo qoondeeyay iyo taageerada ay ka heshay deeq bixiyaasha .
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in isku imaatin dadweyne oo ka badan 15 qof la qabto aynan waafaqsanayn shuruucda iyo amarrada caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda coronavirus.
Ciidamada ayaa su’aal geliyay in qorshaha ku aaddan in dibadbax la qabanayo maanta lagu wargeliyay booliska.
Hasa ahaate shakhsiyaadka isugu tagay goobta loo yaqaano Freedom Corner ee beerta xuriyadda ee Uhuru Park ayaa sheegay inaan laga oggolaan codsi ahaa inay dibadbax sameyaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here