Dibadbax looga soo horjeedo sharci ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay Filibiin

In ka badan 1,000 qof ayaa lagu soo warramayaa inay maanta ka qeyb galeen dibadbax ka dhacay dalka Filibiin.
Dibadbaxayaasha ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan in lagu tallaaba qaado sharci ka dhan ah argagixisada oo la sugaya in madaxweynaha wadankaas Rodrigo Duterte uu qalinka ku duugo.
Bannaanbaxa oo ay hor kacayeen shakhsiyaadka dhaliila siyaasadda madaxweynaha Filibiin ayaa yimid iyadoo dalkaas uu u dabaaldegaya sannadguuradii 122-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanidii uu ka qaatay Spain.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in sharcigan oo la dhaqan galiyo ay xadgudubyo ka dhalan karaan.
Waxay sheegeen in caburin ay ku imaan karto muujinta dareenka shacabka maadaama saraakiisha ammaanka ay uga faaiidaysan karaan inay qof soo xiraan isagoo aan waaraan loo jarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here