Dibadbaxayaal isugu tagay safaaradda Maraykanka ee Ciraaq

Kumannaan dibadbaxayaal ah iyo dagaalyaanada maleeshiyada dalka Ciraaq ayaa maanta isugu tagay afaafka hore ee xarunta safaaradda Maraykanka ee magaalada Baqdaad.
Waxay cambaareynayeen weeraro dhanka cirka ah oo Maraykanka uu la beegsaday fariisimo ay leedahay maleeshiyada looga shakisan yahay inay taageero ka hesho dowladda iiraan.
Saraakiil ka tirsan dowladda Ciraaq ayaa xaqiijiyay in safiirka Maraykanka halkaasi ku matalo la soo badbaadiyay.
Axaddii ayay ahayd markii ciidamada Maraykanka ay fuliyeen duqeymo ay kaga falcelinayeen dil loo gaystay mid ka mid ah muwaadiniinta xukuumadda Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here