Dibadbaxayaasha Hong Kong oo doonayo inay carqaladeyaan howlaha gagida diyaaradaha

Dadka dibadbaxyada dhigaya ee jamhuuriyada Hong Kong ayaa qorsheeyay inay maanta oo axad ah iyo berri oo isniin ah ay carqaladeyaan howlaha duulimaadyada ee gagida caalamiga ee diyaaradaha.
Arrintan ayaa timid kaddib markii xalay ay dhaceen iskudhacyo u dhexeyay laamaha ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Garoonka diyaaradaha ee Hong Kong ayaa ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka waxaana laga cabsi qabaa in mudaharaadyada ay saameyn ku yeeshaan duulimaadyada.
Kooxaha dibadbaxyada soo qabanqaabiyay ayaa sheegay inay rajeynayaan in dad tiro badan ay halkaasi isugu tagaan.
Maamulka diyaaradaha Hong Kong ayaa xiray mid ka mid ah goobaha baabuurta la dhigto iyadoo rakaabka loogu baaqay inay isticmalaan gaadiidka dadweynaha in kastoo go’aankan aan wax faahfaahin ah laga bixin.
Shacabka ayaa ka soo horjeedo in la dhaqangeliyo hindise sharciyeed muran dhaliyay oo hadda dhinac la isaga dhigay.
Waxaa uu qoraalkaasi dhigaya in dadka lala xariiriyo dembiyada kala duwan loo tarxiili karo dhanka dal-weynaha Shiinaha si halkaasi loogu soo maxkamadeeyo.
In kastoo Shiinuhu uu weli sheegayo inuu jamhuuriyaddaasi maamulo haddana dadweynaha ayaa dareensan in haddii maamulka talada haya ee hindise sharciyeedkaasi ku tallaaba qaado ay wax u dhimeyso madax bannaanida Hong Kong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here