Dibadbaxayaasha Suudaan iyo militariga oo heshiis gaaray

Wararka naga soo gaaraya Suudaan sheegaya in dibadbaxayaasha wadankaasi iyo golaha ku meel gaarka ah ee militariga dalkaasi ay gaareen heshiis siyaasadeed.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in ergeyga midowga Afrika u qaabilsan Suudaan uu soo dhaweeyay heshiiska isagoo ku tilmaamay horumar aad u weyn.
Heshiiskan ayaa mid awood qeybsi ah waxaana lagu kala saxiixday caasimadda Suudaan ee Khartoum.
Is-afgaradka oo ay goobjoog ka ahayeen dhexdhedxaadiyaal ka socdo midowga Afrika ayaa yimid kaddib wadahadalo ilaa xalay socday.
Labada dhinac ayaa weli ku howlan in la soo saaro qaraar dastuuri ah oo lagu wado in jimcada la saxiixdo.
Suudaan ayay mudaharaadyo ka jireen tan iyo bishii afaraad markii hoggaanka laga tuuray madaxweynihii talada hayay 30-kii sano ee la soo dhaafay Cumar Xassan Al-Bashiir.
Dibadbaxyada oo ay saameyn ka dhalatay howlgalo lagu dejinayana ay ku dhinteen ilaa 100 qof ayaa ah kuwo ay shacabka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ku doonayaan in golaha ku meel gaarka ah ee militariga uu talada u gacan geliyo maamul dadweynaha matalaya oo ay ka dhex muuqdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here