Dibadbaxyada Lubnaan oo saameeyay howlaha baarlamaanka

Wararka naga soo gaaraya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in baarlamaanka wadankaasi aynan maanta u suurtagalin inuu qaabto kal fadhigiisi koobaad dibadbaxyo socdo awgood.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dadka mudaaharaadyada dhigaya ay sharci dejiyaasha ka hor istaageen inay tagaan xarunta baarlamaanka.
Dadweynaha ayaa cabasho ka muujinaya sida ay uga xunyihiin dhaqaalaha sii liicaya iyo hannaanka hoggaanka Lubnaan oo ay dalbanayaan in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo.
Dhaqaalaha Lubnaan ayaa hoos u sii dhacay tan iyo 17-kii bishii tobnaad ee sannadkan waxayna xaalad siyaasadeed oo cakiran halkaasi ka taagneyd ilaa 29-kii bishii Tobnaad xilligaasi oo uu is casilay ra’iisul wasaare Sacad Al-Xariiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here