Dibadbaxyo caddaalad lagu dalbanaya oo hareeyay Maraykanka

Dadka dibadbaxyada dhigaya

Waxaa magaalooyinka waweyn ee Maraykanka weli ka socdo siina xoogaysanaya dibadbaxyada lagu dalbanaya inuu caddaalad helo nin madow Ameerikaan ah oo ay dhawaan dileen saraakiisha amniga.
Waxaa hadda la howlgeliyay ciidamada ilaalada qaran si ay xaaladda taagan u dejiyaan.
Dibadbaxyada ayaa ah kuwa rabshadeysan oo lagu gubay xarumaha qaar halka kuwa kalena la boobay.
Sido kale magaalooyinka kala duwan ee Maraykanka ayaa waxaa ka dhaqan galay bandow in kastoo dibadbaxayaasha ay u muuqdaan kuwo amarkaas dafiraya.
Dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa wacad ku maray inay halkaas ku sugnaanayaan ilaa iyo inta dacwad looga soo oogaya afar sarkaal oo lala xiriiriyay geeridii ku timid George Floyd kuwaasoo maalmo ka hor shaqada laga istaajiyay.
Mr.Floyd ayaa dhintay isniintii kaddib markii askari caddaan ah oo magaciisa lagu sheegay Derek Chauvin uu jilibkiisa ka saaray qoorta taasoo keentay inuu neefsan waayo ugu dambeyna dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here