Dibadbaxyo dheeraad ah oo la filayo inay ka dhacaan Hong Kong

Waxaa maanta oo Arbaco ah la filayaa inay sii socdaan dibadbaxyada bilooyinkii ugu dambeeyay ka taagnaa jamhuuriyadda Hong Kong.
Xalay ayay ahayd markii ciidamada booliska ay howlgallo ka fuliyeen jaamacadda halkaasi ku taalla kaddib isku soo bax ay ardaydda sameyeen.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in xarumo dhowr ah sida dugsiyo iyo isbitaalo la xiray maadaama rabshaduhu ay sare u sii kaceen.
Dibadbaxyada ayaa soo billowday bartamihii bishii lixaad ee sannadkan waxayna dadka hor kacaya dalbanayaan dimuqaraadiyad buuxda.
Sido kale dadweynaha gaar ahaan shakhsiyaadka u ololeeya maamul wanaagga ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan mudaaharaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here