Dibadbaxyo ka dhacay dalka Haiti

Booliska dalka Haiti ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas si ay u kala eryaan dad badan oo mudaaharadaye kuwaas oo isugu soo baxay caasimada dalkaasi.
Dadkan ayaa ka soo horjeeda sicir Baraka ka jira dalka Haiti waxaa ayna sheegeen in dhibaatooyiin dhaqaale iyo mid siyasadeed uu ka jiro wadankaas.
Banaanbaxyaashan oo siugu soo baxay wadooyiinka ayaa sheegay inay ka soo horjedan maamulka madaxweyne Jovenel Moise waxaa ayna ka dalbadeen inuu is casilo madaxweynaha.
Mudaaharadyadan ka dhacay dalka Haiti ayaa ahaa kii ugu balaarna ka dib markii ay rabshado xoogan dhaceen.
Xaafadaha hodanka ah ee Delmas iyo Petion Ville, oo dad caraysan isugu soo baxay ayaa waxay bililiqeysteen dhowr dukaamo, bankiyo iyo xafiisyo xawaaladeed,waxaa ayna sido kale dab qabadsiiyeen dhismooyin.
Wadanka Haiti ayaa waxaa ka jirta cuno yari iyo shidaal yari taasi oo ku khasabtay in dadka reer Haiti ay isugu soo baxaan.
Sido kale shacabka dalkaasi ayaa ku eedeynaya dowladda inay ka jirto musuqmaasuq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here