Dibadbaxyo ka dhacay Faransiiska

Caasimadda wadanka Faransiiska ee Paris ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal dibadbaxayaal ah oo muujinayo sida ay uga xunyihiin rabshado halkaasi ka dhacay.
Waxay soo bandhigeen sida loogu baahan yahay in sare loo qaado wacyigelinta arrinkan ku aaddan.
Sido kale maamulada magaaladaasi ayay ka dalbadeen inay qaadaan tallaabooyin lagu soo afjarayo rabshadaha.
Dibadbaxayaasha ayaa si gaar ah ugu taliyay in wax laga qabto dilal haweenka loo gaysto.
Waxay aamuseen 74 ilbiriqsi iyagoo xasuusanaya nooloshii 74 haween ah oo tan iyo bilowgii sannadkan lagu dilay Faransiiska.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in sannadkii 2017-kii qaar ka mid ah ragga Faransiiska ay dileen 130 xaasaskooda ahaa.
Tiradan ayaa sannadkii ka sii horreeyay ee 2016-kii lagu sheegay 123 qof oo dumar ah oo looga takhalusay khilaaf dhinaca qoyska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here