Dibadbaxyo ka dhacay Ingiriiska iyo Jarmalka

Dadka bannanbaxayo

Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka London iyo Berlin oo ka kala tirsan Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen bannaanbaxyo ay dhigeen boqolaal qof.
Waxaa dibadbaxyada lagu taageeraya kuwo ka socdo Maraykanka oo ka dhashay geeridii dhawaan ku timid nin madow Ameerikaan ah oo ay saraakiisha ammaanka dileen.
Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay beerta loo yaqaano Trafalgar Square ee bartamaha magaalada London iyagoo ku dhawaaqaya “No justice, no peace” oo ay micnaheedu tahay hadii ay caddaalad jirin nabad ma jirto.
Waxay socdaal ku mareen afaarka golayaasha sharci dejinta ee ingiriiska iyagoo ugu dambeyn tahay safaaradda Maraykanka uu halkaas ku leeyahay.
Ciidamada booliska ee London ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen 5 qof oo dibadbaxayaasha ka mid ah oo laga qabtay bannaanka hore ee safaaradda.
Saddex ka mid ah dadkan ayaa lagu eedeyay inaynan u hoggaansamin amarrada la xiriira xakameynta caabuqa coronavirus halka labada kalena la sheegay inay boolis dhibaateyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here