Dibadbaxyo ka dhacay Israa’iil kaddib toogasho la gaystay

Wararka naga soo gaaraya Israa’iil ayaa sheegaya in dhammaan deegaanada maamulkaasi ay dibadbaxyo ka dhaceen kaddib markii sarkaal booliska ka tirsan uu toogtay qof dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya.
Dilka ayaa ka dhacay magaalada Waqooyi ee Haifa ee Israa’iil.
Askariga ayay wararku sheegayaan inuu falkaasi sameeyay isagoo aan xita waqtigaasi shaqada ku jirin .
Waxaa Israa’iil ku nool ilaa 150,000 qof Itoobiyaan ah halka toogashada ay ka dhalatay eedeyn la xariirta takoor dhanka isirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here